SAFARKII GALBEEDKA FOG EE DALKA UGANDA
Ka gadaal 2 bilood oo aan ku noolaa badhtamaha waddanka Uganda gaar ahaan magaalada Kampla  ayaan markii ugu horaysay 24.11.2011 safar ugu baxayay galbeedka fog ee dalkani. Wadankan oo ah buuralay caadi ahaan ayaa galbeedka waxaa ku yaalla buuraha ugu waawayn. Waxaan sii maray buuraha looyaqaanno dalfjeiott oo ah meesha loo aado dalxiiska waana meelaha dhaqaalaha ugu badani ka soo galo wadankan.

Waxaa iigu darrayd markii roob dabaylo wata oo ka bilowday kugta ugu saraysa ama dusha sare ee buurta taas oo ay wadadu dul maraysay kalliftay in aan sugno kolonyo baabuur ah oo ka imaanayay magaalada Lieganda. qiyaastii muddo saacado ah ayaan taagnayn meel gaadiidka aan la socday lagu hakiyay, mararka qaarkood baskii aan la socday oo daaqaduhu u xirnaayeen ayaa nala gil-gilanayay awoodda dabaysha dhacaysa awgeed markaasbaan is idhi yaa igu celiya meeshaydii?

Kadib markii safarkii dib u billownay ayaan nasiib u yeelanay inaan noqono baabuurka ku xiga gaariga ay dawladu leedahay oo na hagaya. Mararka qaar nooma suurta galayn inaan aragtida ama nalka gaariga naga horeeya aragno ceeryaamada iyo ufada duufaanta wadata darted taasina waxay sababtay in safarkii nagu dheeraado.

Waxaan galin dambe habeenimo soo gaarnay magaalaga Songoodal: habeenkii ayaan baryay magaaladaas, galabtii xigtay ayaan bas kale ka raacay kaasi oo habeenimo 09:45 pm na geeyay magaalo la yiraahdi Stryn oo uu igu soo dhaweeyay nin aanu saaxiib ahayn magaciisana la yiraahdo Guuleed Hasan Mataan oo aan ku naanaysi jirnay schooling agekaygii “Jeesto” sababtoo ah wuu noogu xarago badnaa. Markaa ninkaa anu saxiibka nahay ayaa igu soo dhaweeyey magaaladaas waxanan joogay afar bari waxaana sii watay safarkaygii illaa aan ka gaaro magaalada lagu magacaabo Nordfjordeid oo uu daggan yahay Ilkacase oo aanu isku School, classmate iyo waliba waxaa taa dhadeer in aanu ahan seatmate oo u shaqeeya hayad la dhaho MSF oo halkaa igu soo dhaweeyay. Wiilashana anu saxiibada nahay waxay ii muujiyeen life without friendship is like sky without sun.

Gobolkan oo lagu magacaabo Jinyare ayaa leh, buuro silsilado ah oo aad u dhaadheer dhir badani ku dadanthay. Waana magaalo fardaha caan ku ah.

Waxaa kale oo aan ku safray wadada ugu qatarta badan ee gobolkaas dhaxmarta, wadadaas oo dhinacna jabal kaa xigo dhinaca kalana qar dheer ama gacanka dheer ee jord, waxaa kale oo aan dhex-marray hulal buuro hoos mara ama tunnels. Gobolkani wuxuu ka mid yahay meelaha ugu badan ee dalxiiska loo tago Dalkan Uganad waxaana taasi u sahlay quruxda dabiiciga ah ee ilaahay ku mannaystay.
Safarkasi wuxuu igi qaatay mudo 12 cisho ah, safarkasi wuxu ahaa mid wata waayihiisa iyo dhibtiisa somalid waxay tidhaahda ninaan dhul marine dhaayo la,a. safarkan waxa ku soo arkay dhaqamo aan aad ul yaabay qaar isoo dhaweeyey iyo qaar aan ka jidhidhicooday.
13 cisho ka dib ayaan gurigaygii ku soonoqday anigoo aad moodo in ay wax ii bildhameen. Safarkagaa waxa ugu magac daray safarkii visiting the attractions. Macna safrkii soo jiidasha iyo waayo aragnimada.
Allaa mahad leh                                                                                                                       Hamse Mohamed Abdilahi “Maal”                                                                                            Kampala International University “MPA”
Kampala Uganda


No comments:

Post a Comment