Safarkii Galbeedka Fog Ee Ugamda
Ka gadaal
9 bilood oo aan ku noolaa waddanka Uganda gaar ahaan magaalada madaxda Kampala
ayaan markii ugu horaysay sabtidii, August 4, 2012 safar ugu baxayay galbeedka
fog ee dalkani. Hiirtii hore ayaan isku diyaariyey inaan u haayamo galbeedka
fog ee dalkan Uganada anigoo aad ugu faraxsanaa inaan boqoosho 4 cisho ah kula
soo qaato asxaabtaydii anu ardayda wada ahaan jirnay haatana wada nahay ee wax
ka barta Western Campus KIU. Inyar dabadeed waxan Taxi ka hor qabsaday
jamacadyda Kampala International University Main Campus si aan ugu boqoolo
dhinaca faras-magaalka oo ay baabuurtu ka baxdo anigoo ku beegmay xili
baabuurtii badankoodii baxday waxan tigidhkii ka goostay shirkad la yidhaa
Kalita Transporters gaadhiguna waxuu ahaa gawaadhida loo yaqaan TATA oo qaada
ilaa 100 qof oo rakaab ah waxaan ahaa qofka kaliya ee Somali ah ee gaadhiga
saran, isla goobta waxan ka iibsaday journal la yidhaa New Vision joornaalka
waxaa ciwaan u ahaa sanad guurada 90aad ee jaamacada Makereeri.
Abaaro
12:00 duhurnimo ayuu gaadhigii toobiyihii loo marayey galbeedka ku dhacay. Waxan si dareen leh isha ula raacayey dhulka
ku hareeraysan wadada aan maraayo,oo runtii marka aad si weyn ugu sii fiirsato markiiba
kugu soo dhacayso inaad dhex marayso dhul barwaaqo oo Falaadhaha cadceeda markay ku dhacaan
galalka biyaha dhulka dul ceegaaga waxay samaynyaan midabo qurxoon ood jeegaan
moodo kuwaas oo daymadooda indhuhu jeclaysanyeen. Rahuna
mashxarad ku jees jeesayo xooluhuna dharag awadeed fadhiga ku daaqayaan. Dhulkaasi
wuxuu qani ku yahay geedka loo yaqaano “Timber” ama geedka looxa laga sameeyo
waxaa kaloo isna aad uga baxa geedka Matookaha.
Waxan gaadhay magaalada
Ishaka abaaro 7:30 Habeenimo waxaana igu soo dhaweyey si gobonimo iyo garasho
ku jirto nin aanu sxb nahay oo magaciisa la yidhaahdo Hamse Mohamoud Abdilahi
oo aanu Jaamcada Hargeida wada dhigan yirnay sanadna iga hor qalin jabiyey
Hamse wuxuu ka qalin jabiyey Faculty of Science and Technology imikana wuxuu ka
diyaariyaa Master of Public Health Jaamacada
KIU. Waxaa isna Ishaka igu soo dhaweeyey Mohamed Hamud Abdi oo ah Gudimiyha Muslimiinta
ee KIUMSA ee jaamacada KIU Ahmed Cantar oo aanan isna ilaawi karin. Ardaydii
ugu badnan ee aan soo dhawayta kale kulmay waxy ka soo baxeen dugsidaga Sare ee
Sheik Secondary School dhamaantoodna waxy bartaan cilmiga caafimaadka.
Hamse Mohamud,
Mohamded Hamud, Ahmed Cantar, iyo Anigoo Hamse Maal ah
Ka dib 3 dharaarod
waxan usoo xadhko xidhay inaan ku soo noqdo Kampala
asxaabtaydii waxay bilaabeen siday isoo safar salaamayn lahayeen iyagoon u kale
hadhin inay isii nabad galyeeyaan. Gaadhigii wuxuu ila soo dhaqaaqay 12 :00
duhurnimo intii aan dhexda ku soo jiray waxaa na helay roobab dabaylo wata mararka
qaar nooma suurta galayn inaan aragtida ama nalka gaariga naga horeeya aragno
ceeryaamada iyo ufada dabaysha wadata darted taasina waxay sababtay in safarkii
nagu dheeraado.
4 cisho
ka dib ayaan gurigaygii ku soo noqday anigoo aad moodo in ay wax ii bildhameen.
Safarkagaa waxa ugu magac daray safarkii visiting the attraction. Macna safrkii
soo jiidasha iyo waayo aragnimada.
Hamse
Mohamed Abdilahi “MAAL”
Kampala
International University “MPA”
Hamsemaal@gmail.com
No comments:
Post a Comment