Saturday, 11 August 2012

Safarkii Galbeedka Fog Ee Uganda


Safarkii Galbeedka Fog Ee Ugamda
Ka gadaal 9 bilood oo aan ku noolaa waddanka Uganda gaar ahaan magaalada madaxda Kampala ayaan markii ugu horaysay sabtidii, August 4, 2012 safar ugu baxayay galbeedka fog ee dalkani. Hiirtii hore ayaan isku diyaariyey inaan u haayamo galbeedka fog ee dalkan Uganada anigoo aad ugu faraxsanaa inaan boqoosho 4 cisho ah kula soo qaato asxaabtaydii anu ardayda wada ahaan jirnay haatana wada nahay ee wax ka barta Western Campus KIU. Inyar dabadeed waxan Taxi ka hor qabsaday jamacadyda Kampala International University Main Campus si aan ugu boqoolo dhinaca faras-magaalka oo ay baabuurtu ka baxdo anigoo ku beegmay xili baabuurtii badankoodii baxday waxan tigidhkii ka goostay shirkad la yidhaa Kalita Transporters gaadhiguna waxuu ahaa gawaadhida loo yaqaan TATA oo qaada ilaa 100 qof oo rakaab ah waxaan ahaa qofka kaliya ee Somali ah ee gaadhiga saran, isla goobta waxan ka iibsaday journal la yidhaa New Vision joornaalka waxaa ciwaan u ahaa sanad guurada 90aad ee jaamacada Makereeri.
Abaaro 12:00 duhurnimo ayuu gaadhigii toobiyihii loo marayey galbeedka ku dhacay.  Waxan si dareen leh isha ula raacayey dhulka ku hareeraysan wadada aan maraayo,oo runtii marka aad si weyn ugu sii fiirsato markiiba kugu soo dhacayso inaad dhex marayso dhul barwaaqo  oo Falaadhaha cadceeda markay ku dhacaan galalka biyaha dhulka dul ceegaaga waxay samaynyaan midabo qurxoon ood jeegaan moodo kuwaas oo daymadooda indhuhu jeclaysanyeen. Rahuna mashxarad ku jees jeesayo xooluhuna dharag awadeed fadhiga ku daaqayaan. Dhulkaasi wuxuu qani ku yahay geedka loo yaqaano “Timber” ama geedka looxa laga sameeyo waxaa kaloo isna aad uga baxa geedka Matookaha.
Waxan gaadhay magaalada Ishaka abaaro 7:30 Habeenimo waxaana igu soo dhaweyey si gobonimo iyo garasho ku jirto nin aanu sxb nahay oo magaciisa la yidhaahdo Hamse Mohamoud Abdilahi oo aanu Jaamcada Hargeida wada dhigan yirnay sanadna iga hor qalin jabiyey Hamse wuxuu ka qalin jabiyey Faculty of Science and Technology imikana wuxuu ka diyaariyaa Master of Public Health  Jaamacada KIU. Waxaa isna Ishaka igu soo dhaweeyey Mohamed Hamud Abdi oo ah Gudimiyha Muslimiinta ee KIUMSA ee jaamacada KIU Ahmed Cantar oo aanan isna ilaawi karin. Ardaydii ugu badnan ee aan soo dhawayta kale kulmay waxy ka soo baxeen dugsidaga Sare ee Sheik Secondary School dhamaantoodna waxy bartaan cilmiga caafimaadka.
Hamse Mohamud, Mohamded Hamud, Ahmed Cantar, iyo Anigoo Hamse Maal ah
Ka dib 3 dharaarod waxan usoo xadhko xidhay inaan ku soo noqdo Kampala asxaabtaydii waxay bilaabeen siday isoo safar salaamayn lahayeen iyagoon u kale hadhin inay isii nabad galyeeyaan. Gaadhigii wuxuu ila soo dhaqaaqay 12 :00 duhurnimo intii aan dhexda ku soo jiray waxaa na helay roobab dabaylo wata mararka qaar nooma suurta galayn inaan aragtida ama nalka gaariga naga horeeya aragno ceeryaamada iyo ufada dabaysha wadata darted taasina waxay sababtay in safarkii nagu dheeraado.
4 cisho ka dib ayaan gurigaygii ku soo noqday anigoo aad moodo in ay wax ii bildhameen. Safarkagaa waxa ugu magac daray safarkii visiting the attraction. Macna safrkii soo jiidasha iyo waayo aragnimada.
Hamse Mohamed Abdilahi “MAAL”
Kampala International University “MPA”
Hamsemaal@gmail.com